Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa tallaabo ka qaaday Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS, iyadoo lagu eedeeyay inay adeegsatay Shatiyo iyo Dukumentiyo been abuur ah.
Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xilli Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ka heshay warbixin ku saabsan baaritaanka lagu sameynayo Hay’adaha Samafalka iyo xayiraadaha lagu soo rogay xisaabaadka bangiyada.
Sida lagu sheegay qoraalka Xeer Ilaaliyaha Guud, baaritaanka ayaa muujiyay kala duwanaanshiyaha shatiyada iyo dukumentiyada la sheegay in ay adeegsatay SJS. Sidaa darteed, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay warqad ay ku amrayso in la xayiro xisaabaadka bangiyada ee Hay’adaasi, iyadoo la baarayo dhaq-dhaqaaqeeda dhaqaale.
Iyadoo laga jawaabayo, SJS waxay cambaaraysay xannibaadda xisaabaadka bangiyada, iyaga oo ku calaamadiyay “xadgudub la doonayo in lagu carqaladeeyo hawlaha ururka.”
SJS oo sii hadlaysay ayaa sheegtay in tallaabadan sharciga ah ay ka dambeysay kadib markii ay dhawaan dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbisay Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay, kaasoo laga sugayo go’aan.
Dhinaca kale Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamuud, ayaa sheegay inay sax tahay baaritaanka iyo xanibaada lagu sameeyay xisaabaadka Bankiga SJS, isagoo sheegay in warqado ogolaansho ah oo been abuur ah loo adeegsaday diiwaan gelinta Hay’adda.
HBN NEWS DESK