Ururka Jaamacadda Carabta oo shir culus ka yeelanaya xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya isla markaana la shaaciyay waqtiga dalka lagu qabanayo

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa  ku dhawaaqday in yeelanayaan shir deg deg ah oo dhanka farsamada ah oo heer wasiir ah kaasoo diiradda lagu saarayo xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Hossam Zaki ayaa ku dhawaaqay in ururka gobolka uu shirku qaban doono 17-ka Janaayo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Masar ee MENA.

Zaki waxa uu sheegay in kulankaasi lagaga wada xaajoon doono cawaaqibka ka dhalan kara heshiis “sharci-darro ah” ah oo ay kala saxeexdeen Itoobiya iyo  Somaliland oo Addis Ababa siinaya aagga Badda Cas.

Waxa uu sheegay in Marooko ay shir guddoomin doonto kulanka, isagoo sheegay in go’aanka shirka uu ku yimid codsi ka yimid Soomaaliya oo ay taageerayaan 12 dal oo Carbeed. Waxa uu sidoo kale sheegay in heshiis buuxa iyo taageerada ay u hayaan mowqifka Soomaaliya.

Dalal dhowr ah oo ka tirsan Jaamacadda Carabta oo ay ku jirto Masar ayaa ku dhawaaqay inay diideen heshiiskaas, waxayna taageero u muujiyeen in Soomaaliya iyo madax-bannaanida dhulkeeda.

Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, waxay Itoobiya u ogolaatay inay xeebaheeda u isticmaasho arrimo ganacsi iyo saldhig ciidan, Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay Itoobiya u aqoonsan doonto dal madax bannaan marka heshiiska la dhameeyo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed