Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa diiday tallaabo kasta oo liddi ku ah Qaranimada Soomaaliya, gaar ahaan wax ay ugu yeereen ” heshiiskii xaaraanta ahaa ee dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Somaliland”.
Wasiirrada ayaa isugu yimid kulan loogu diyaar garoobayo kalfadhiga shan iyo tobnaad ee Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ka dhacaya caasimadda Gambia ee Banjul, iyadoo halku-dhiggiisu yahay “Horumarinta Midnimada iyo Wadajirka iyada oo loo marayo Wada-hadal.”
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay kulanka, wasiirradu waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in laga caawiyo agab iyo farsamo labadaba si loo xoojiyo hay’adaha dawladda Soomaaliya iyo wax ka qabashada caqabadaha abaaraha ee Soomaaliya ka jira.
Heshiiskan oo ay ku jiraan qodobbo ku saabsan in 20 KM ee xeebaha Somaliland ay helaan ciidamada badda Itoobiya si ay u aqoonsadaan Somaliland, ayaa shaki iyo qeylo dhaan dhaliyay. Dadka dhaleeceeya, oo ay ku jiraan dalalka deriska ah iyo ururrada caalamiga ah, ayaa arrintan u arka fal xasillooni darro ah oo ka dhici kara gobolka xassaasiga ah ee Afrika.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu taageeray magacaabista ay Soomaaliya u magacawday Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadam inay u tartanto xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee muddada (2025-2028).
Shirweynaha 15-aad ee madaxda dalalka Islaamka ee OIC ayaa looga hadlayay arrimo kala duwan iyo caqabadaha ka jira dunida Muslimka, gaar ahaan arrinta Falastiin iyo xaaladda Marinka Gaza.
HBN NEWS DESK