Ururka Iskaashiga Islaamka oo bayaan ka soo saaray weerar maalin ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii lagu tilmaamay mid argagixiso, oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Caasimadda Soomaaliya, kaasi oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo aan waxba galabsan.

Xoghayaha guud ee OIC,  Hissein Brahim Taha, ayaa muujiyay sida uu u cambaareynayo falkan argagaxa lahaa ee lagu weeraray suuqa Bakaaraha. Wuxuu tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxaas iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale ku celiyay cambaareynta OIC ee ka dhanka ah argagixisada nooc kasta oo ay tahay iyo sida ay u taageerto dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta amniga iyo xasilloonida dalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed