Ukraine oo soo bandhigtay nin Soomaali ah oo ku jiray dagaalka Ruushka iyo Ukraine iyo macluumaad kooban oo ay bixiyeen

Dowladda Ukraine ayaa bannaanka keentay nin ka soo jeedo Soomaaliya kaas oo lagu qabtay dagaalka Ruushka, sida ay baahiyeen Millateriga dowladda Ukraine, ninkan la soo bandhigay ayaa magaciisa ku sheegay  Caadil Cabdullaahi Maxamed oo 28 jir ah oo ah, kaasoo ka tagay magaalada Muqdisho, laguna qabtay dagaalkii ka dhacay dalka Ukraine, isagoo u dagaallamayay magaalada Moscow ee jiida hore ee dalka Ukraine.

Ninkan oo wareysi kooban bixiyay ayaa la sheegay inuu ka barbar dagaalamay ciidamada Ruushka ee dagaalka kula jira dalka Ukraine. Ukrain ayaa horay u sheegtay in uu ka mid ahaa calooshood u shaqeystayaal uu Ruushku soo kireystay oo lacag ku bixiyay la dagaalanka Ukraine.

Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay inuu u aaday dalka Ruushka si uu shaqo ciidan uga helo. Wuxuu sheegay in dowladda Ruushka ay u ballan qaaday baasaboor iyo lacag dhan laba kun oo dollar.

Cabdullaahi ayaa tilmaamay in la xiray 7-dii bishii Janaayo. Ukraine ayaa sheegtay in uu ka mid ahaa 4 qof oo lagu qabtay dagaalka ka socda dalkooda.

Ukraine ayaa sheegtay in Ruushka uu shaqaaleysiiyay boqollaal askari oo calooshood u shaqeystayaal ah si ay ula dagaalamaan ciidamada Ukraine. Ma jirto xog rasmi ah oo ka madax banaan Ukraine oo xaqiijin karta in ninkan uu u dagaalamayey Ruushka sida lagu eedeeyay.

Waxaa xusid mudan in sidoo kale ay jiraan warar sheegaya in ay jiraan muhaajiriin lagu qasbay dagaalka Ukraine.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed