Turkiga oo martigelinaya wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya kaasoo ku aaddan khilaafka culus ee labada dal

Horumar diblumaasiyadeed oo ay qaadeen Soomaaliya & Itoobiya , Turkiga wuxuu martigelin doonaa wadahadallo xasaasi ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo ay soo ifbaxday xiisadda ka dhalatay heshiiskii is afgaradka (MoU) ee labada dal ee Bariga Afrika ee muranka dhaliyay. Tallaabadan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo wax looga qabanayo colaadda sii kordheysa & walaac xasilloonida gobolka.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taylor Atske Selassie ayaa goor hore oo maanta ah gaaray magaalada Ankara, taasoo muujineysa sida Itoobiya ay diyaar ugu tahay wadahadal. Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqina ayaa lagu wadaa in uu gaaro caasimadda dalka Turkiga, sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

“Wasiirka arrimaha dibadda iyo wafdigiisa ayaa maanta u ambabaxay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, halkaasoo ay uga qeyb galayaan wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo ay gar-wadeen ka tahay dowladda Turkiga,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Waxa ay sidoo kale carabka ku adkeysay sida hagar la’aanta ah ee Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay ilaaliso madax banaanideeda iyadoo ay socdaan wadahadallada.

Wadahadallada ay fududeysay dowladda Turkiga ayaa ku soo beegmaya xilli dhaq dhaqaaq diblomaasiyadeed uu sare u kacay. Mawqifka adag ee Soomaaliya ay ka taagan tahay ilaalinta madaxbanaanideeda, qaranimadeeda & midnimadeeda dhuleed waa qodob muhiim ah oo xooga la saarayo inta dooddu socoto.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku celisay inay ka go’an tahay mabaadi’daasi, iyadoo muujisay sida ay uga go’an tahay xaqiijinaysta in la ilaaliyo qiyamka asaasiga ah ee qaranka. “Muqdisho waxaa ka go’an ilaalinta madaxbanaanideeda,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda.

Heshiiskii muranka dhaliyay oo ay Soomaaliya si adag uga soo horjeesatay kuna tilmaantay mid xad-gudub ku ah madaxbanaanida dhuleed ee dhexmaray maamulka Somaliland iyo Itoobiya ayaa sii kordhiyey xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxaysa Muqdisho & Adis Ababa. Ku lug lahaanshaha Turkiga ee arrintan, oo ah waddan saameyn  ku leh  gobolka, ayaa hoosta ka xariiqaysa muhiimadda ay leedahay in xal nabadeed laga gaaro khilaafka.

Marka la bilaabo wada xaajoodka, beesha caalamka waxay si dhow ula socon doontaa natiijada ka soo baxda, iyagoo rajeynaya in la gaaro go’aan xoojinaya nabadda iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Dhexdhexaadinta  Turkigu waxa ay tusaale u noqon kartaa xalinta khilaafaadka la midka ah ee gobolka & xoojinta doorka dublamaasiyadda ee ilaalinta xasiloonida gobolka haddii lagu guuleysto wadahadalkan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed