Turkiga oo doonaya in uu kordhiyo joogitaanka ciidankiisa badda ee Badda Cas & xeebaha Soomaaliya.

Baarlamanka dalka Turkiga ayaa waxaa loo gudbiyay mooshin waqtiga loogu kordhinayo in ciidamada badda dalka Turkigu ay ka sii hawlgalaan Badda Cas & xeebaha Soomaaliya muddo sanad ah.

Xukuumada Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Erdogan ayaa u gudbisay Baarlamanka qaraarkan oo ku aadan in ciidamada Turkigu ka qayb qaadanayaan hawlgalada caalamiga ah aee ka hortagga burcad badeedda iyo kooxaha hubaysan.

Qaraarka lagu kordhinayo muddo sanad ah oo dheeraad ah hawlgalka ciidamada Turkiga ayaa loo gudbiyay baarlamaanka dalka Turkiga saacadihii la soo dhaafay waxaana la filayaa inay cod u qaadan iyadoo ciidamada ka hawlgali doonaan Badda Cas, xeebaha Soomaaliya iyo waliba biyaha caalamiga ah ee gobolka, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo ka soo baxday warbaahinta dawlada Turkiga.

HBN Online News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed