Turkiga oo deeq lacageed ku wareejiyay hay’addaa gargaarka Soomaaliy iyo faah faahin laga bixiyay

Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa lacag dhan $50,000 ku wareejisay hay’adda ka hortagga masiibooyinka Soomaaliyeed ee SODMA, taasi oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadkii ku waxyeeloobay fatahaaddii ka dhalatay roobabka El Nino. Daadadku waxay horseedeen barakaca in ka badan 600,000 oo qof waxayna saameeyeen in ka badan laba milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya, taasoo abuurtay baahi degdeg ah oo gargaar caalami ah.

Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa deeqdaasi ku wareejiyay ku xigeenka Safiirka Turkiga  Armağan Ardoğa oo uu ku wareejiyay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Deeqdu waxay ujeedadeedu tahay in la gaarsiiyo agabka muhiimka ah sida cunto, biyo, hoy, iyo gargaar caafimaad oo la gaarsiiyo bulshada ay dhibaatadu saameysey.

Guddoomiyaha SoDMA dareenkiisa oo ka hadlay ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga iyo shacabkeeda taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed tan iyo sanadkii 2011-kii.

Mr. Ardoğa ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay Turkiga inay garab istaagaan Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay inay sii wadi doonto gargaarka bani’aadanimo iyo horumarineed ee Turkiga mustaqbalka.

SoDMA ayaa soo saartay baaq ku aaddan taageero dheeraad ah oo ka timaada bulshada caalamka si wax looga qabto baahiyaha degdega ah ee dhibanayaasha daadadka.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed