Trump ma aqbali doonaa soo jeedin uga timid guddi Maraykan ah oo ku aadan Somaliland iyo damaca Shiinaha

Guddi hoosaadka golaha wakiilada Mareykanka ee qaabilsan ka hortegga xisbiga shuuciga ah ee Shiinaha ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga halday qaddiyada Somaliland ee haatan hortaalla dowladda Mareykanka.

Guddigan oo ah mid muhiim ah ayaa usoo jeediyay dowladda cusub ee Mareykanka in xafiis dibulumaasiyadeed ka furato Somaliland, si looga hortago saamaynta Shiinaha ee gobolka.Sidoo kale guddiga ayaa ku taliyay in maamulka Trump uu xiriir toos ah la sameeyo Somaliland, isaga oo soo jeedintiisa u sababeeyay inay ku taallo goob istiraatiiji ah.

Sidoo kale wuxuu guddi hoosaadka golaha wakiilada Mareykanka uu intaasi kusii daray in illaa hadda aanu Shiinuhu gaarin dhulkaasi, lagana yaabo inuu saamayn ku yeesho.

“Tallaabadani waa mid muhiim u ah horumarinta danaha Maraykanka ee Geeska Afrika, iyo ka hortagga saamaynta sii kordhaysa ee Shiinaha,” sidaas waxaa lagu yiri warqad uu golaha la wadaagay guddoomiyaha guddiga, John Moolenaar, taas oo 15-kii bishan loo akhriyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Antony Blinken.

Waxaa kale oo uu yiri “Haddii uu Maraykanku Somaliland si dhakhso ah ula shaqayn waayo, waxaa suuragal ah inuu Shiinuhu danaha Somaliland fuliyo, taasina ay keento inuu isagu awood ku yeesho gobolka”.

Sanadihii u dambeeyay golaha wakiilada Maraykanka ayaa waxaa oo gudbiyay xeerar tilmaamaya in Washington ay si gaar ah ula shaqayso Hargaysa, waxaana ku jira xeer ay xildhibaannada qaar rabaan in Somaliland loogu aqoonsado dal madax bannaan.

Somaliland ayaa muddo ka badan 30 sano raadineyso ictiraaf, welina ma helin laakiin waxaa hadda sii xoogeysanaya ololaheeda ku aadan Mareykanka oo ah dal awood badan.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed