Faahfaahin ka soo baxaya bixitaanka Ciidamada Uganda ee Soomaaliya, Xilli kuwo cusub la soo dirayo

Taliyaha Ciidanka Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, ayaa tirtiray qoraal uu baraha bulshada ku baahiyey oo uu ku shaaciyey in ciidamada Uganda ay ka baxayaan Soomaaliya, kaddib ku dhowaad 20 sano oo ay ka qayb qaadanayeen howlgallada nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

“Sida aan ballanqaadnay, waxaan bilownay in ciidamadeenna UPDF aan kala baxno Soomaaliya. Kaddib 20 sano oo dhiig badan iyo naf-hurid ah, waxaan amniga ku wareejinaynaa walaalaheenna Soomaaliyeed,” ayuu qoray Khamiistii uu soo saray Muhoozi.

Dhanka kale, waxaa la soo weriyey in in ka badan 100 askari oo u dhashay Uganda ay 48-kii saacadood ee la soo dhaafay ka duuleen magaalada Muqdisho, Hase yeeshee, weli ma cadda in bixitaankoodu qayb ka yahay qorshe rasmi ah oo ciidanka lagula baxayo iyo in uu yahay isbeddel ciidan oo caadi ah.

Milatariga Uganda ayaa ku dhawaaqay in ciidamo cusub oo ka tirsan Guutada 48-aad loo diray Soomaaliya, kuwaas oo ka mid noqonaya Howlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Sarreeye Guuto Felix Busizoori ayaa ciidamada la dirayo kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa, wada-shaqaynta iyo ka go’naanshaha waajibaadkooda muddada ay ku guda jiraan howlgalka.

Dowladda Soomaaliya kama hadlin labada dhacdo ee bixitaanka iyo imaantinka ciidamada Uganda midkoodna. Tani waxay imaanaysaa xili uu 26-kii bishaan Octobar 2026 uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kulan qaatay hal maalin  uu la yeeshay dhigiisa dalkaasi Yoweri Museveni. Villa Soomaaliya waxay carrabowday in wadahadalasasi diiradda lagu saaray qodobo ay ku jiraan nabadda gobolka & xasilloonida.

Uganda oo ciidamadeeda ku jiraan howlgalka AUSSOM ayaa ku sugan deegaanno istaraatiiji ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasi oo kala ah Baraawe, Buula Mareer, Qoryooley, Janaale, Gooleyn, Daniga Baalow iyo deegaanno kale.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed