Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo wareysi kooban oo hordhac kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa sheegay in gogosha wada-hadal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS ) u fidisay mucaaradka ay tahay sida uu hadalka u dhigay waqti lumis, isagoo shaki geliyey awoodda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee qabashada doorasho.
Inkasta oo maamulka uu hadda khilaaf culus kala dheexyo Dowladda dhexe, hadane wuxuu ugu baaqay shacabka in ay u midoobaan badbaadinta dalka, isla markaana ay yeeshaan sida uu ku dooday wadatashi ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka.
“Wax Xasan laga dhowrto ma jirto doorashona ma qaban karo shirarkiisuna waa waqti lumis, waxaan dadka Soomaaliyeed ugu yeedhaynaa wadatashi, Puntland waxba hagran mayso waxay ka shaqaynaysaa danteeda iyo danta Qaranka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Deni.
Deni ayaa sidoo kale meesha ka saaray in Puntland ay ka go’ayso Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo caddeeyey in maamulkiisu weli qayb ka yahay Soomaaliya, isla markaana uu door ku leeyahay dadaallada lagu dhisayo dowlad Soomaaliyeed.
“Puntland Waa qeyb kamid ah Soomaliya, waqti badana galisay sidii loo heli lahaa dowlad Soomaaliyeed” ayuu yiri markale Deni.
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sheegay in maanta ay jirto baahi weyn oo loo qabo midnimo, wadatashi iyo iskaashi dhex mara shacabka Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV

