Wararka ka imaanaya deegaannada Puntland ayaa sheegaya in kooxo Burcad-badeed ah ay xeebaha waqooyi-bari ee Soomaaliya ku afduubteen doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan, taas oo ay saarnaayeen 23 qof, sida ay maanta werisay wakaaladda wararka ee AP.
Doonida oo lagu magacaabo Azini ayaa la afduubtay Khamiistii la soo dhaafay, xilli ay maraysay inta u dhexeysa deegaannada xeebaha ku yaalla ee Bandar Bayla iyo Xaafuun, sida uu AP u sheegay sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Badda Puntland, balse aan magaciisa la sheegin.
Sarkaalka ayaa sheegay in 12 burcad-badeed ah ay la wareegeen doonida, waxaana saarnaa 21 shaqaale oo u dhashay dalka Iiraan iyo laba ilaalo Soomaali ah.
Xarunta Ammaanka Badaha ee Badweynta Hindiya ayaa sheegtay in aan weli la ogeyn xaaladda badqabka shaqaalaha saaran doonida. Waxay sidoo kale ka digtay in doonida loo adeegsan karo in lagu abaabulo weerarro kale oo lagu qaado maraakiibta ganacsiga, gaar ahaan maadaama ay ku sii dhowaanayso marin muhiim ah oo ay maraan maraakiibta caalamiga ah.
Dhanka kale, howlgalka ciidamada badda ee Midowga Yurub ee Atalanta ayaa bilaabay baaritaanka dhacdadan, iyadoo hay’adaha ammaanka badaha ay maraakiibta ku sugan aaggaas ugu baaqeen inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.
HBN ONLINE TV

