Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida oo shir xasaas kaga qeyb galaya dalka Kenya isla markaana diirada lagu saarayo sirdoonnada gobolka

Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya, ee NISA, Mahad Maxamed Salaad, ayaa ku sugan Magaalada Mombasa ee dalka Kenya, oo uu kaga qaybgalayo shirka Madaxda Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka ee Gobolka Bariga Afrika.

Kulanka ayaa ku saabsan sidii la isaga kaashan lahaa amniga iyo xasiloonida iyo is dhaafsiga xogaha muhiimka ah ee xasiloonida, si loo helo Afrikada Bari oo nabad ah kana fog wax kasta oo xasiloonida ku xad-gudbi kara.

Waxaa ka soo qaybgalaya sirdoonada dalalka: Kenya, Tanzania, Uganda, Somalia, Ethiopia, Burundi, Rwanda, Eritrea, Mozambique, Comoros, Democratic Republic of Congo, Djibouti, Malawi, South Sudan, iyo Seychelles.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ujeeddada kulanka ay tahay sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta, kor loogu qaadi lahaa wadashaqeynta, iyo ballaarinta wadashaqeynta hay’adaha sirdoonka si wax looga qabto khataraha guud, loogana faa’ideysto fursadaha ka jira gobolka.

Ka qaybgalayaasha waxaa la siiyay fursad ay dib ugu eegaan daldaloolada iyo isbeddellada arrimaha amniga.

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa wada shaqayn heerkeedu sarreeyo la leedahay Hay’adaha ka hawlgala dalalka Gobolka, kuwaasi oo qaarkood lagu guuleystay wada shaqayntooda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed