Taliyaha guud ee Ciidamada Itoobiya oo sheegay in ciidamadooda ay maamulaan 60% dhulka Soomaaliya isla markaana ay ilaaliyaan ammaanka dowladda

Taliyaha Ciidamada Difaaca Itoobiya General Birhanu Jula  ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay maamulaan 60% dhulka Soomaaliya, hadii ay ka baxaan Dowladda Federaalkana aysan sii joogi karin Magaalada Muqdisho, sida uu ku sheegay wareysi dheer uu sii daayay.

Wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya ay yihiin laf dhabarta ammaanka Soomaaliya, sidoo kalena ay ka hortagayaan Al-Shabaab ay qabsadaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ah halka laga maaamulo dowladda Soomaaliya.

Taliyahaan ayaa saddex jeer oo hore loo soo daabulay Soomaaliya isagoo hoggaaminaya ciidamada Itoobiya sannadihii 2007 ilaa 2009, waxaana meelaha uu ka soo shaqeeyay ay ahaayeen gobollada Bay, Bakool iyo Galgaduud oo uu joogay sannadihii 2010 ilaa 2013.

Isagoo la hadlayay TV-ga Qaranka Itoobiya ee ETV ayuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku tiirsan tahay ciidamadooda, kuwaasoo ku sugan gobollo badan, isagoo sheegay in Itoobiya ay dhiig badan u daadiyeen, askar badanna ay uga dhinteen Soomaaliya oo dagaal kula jirta Al-shabaab, xilli ciidankoodu ay ka qeyb galeen dagaallo ba’an.

Hadalka Jeneraalka  ayaa kusoo beegmaya xilli khilaaf iyo xiisad ka dhalatay heshiiskii badda ee Itoobiya iyo maamulka Somaliland dhexmaray 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan, waxaana madaxweyne Xasan Sheekh uu diiday inuu arrinta badda kala hadlo Abiy Axmed oo codsaday inay la kulmaan dhowr jeer.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed