Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo la kulmay saraakiisha TURKISOM iyo ciidamo loo diyaarinayay dagaalka Al shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxuyidiin Caddow oo maanta kormeer ku tagay Dugsiga Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee TURKISOM ee magaalada Muqdisho, ayaa booqday Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababarro ku qaadanayay qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga Soomaaliya.

Sarreeye Gaas Ibraahim ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxa uu kulamo la qaatay madaxda  sarakiisha dalka Turkiga, isagoo uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Turkiga uu siiyo ciidamada Soomaaliya. Wuxuu qiray doorka muuqda ee Turkiga uu ku leeyahay tababarka iyo horumarinta ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada socda ee lagu ciribtirayo kooxda Al shabaab.

Taliyaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha ugu sareysa taliska Turkisom, isagoo uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin ciidamada Soomaaliya. Iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kaalin mug leh ka qaatay xoojinta tayada Ciidanka Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed