Taliska ciidamada Soomaaliya oo dardar gelinaya tababarada ciidamo cusub kuwaas oo la wareegaya amniga dalka markii ay baxaan ATMIS sanadkaan

Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa  kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha kuliyada Tababarka Ciidanka XDS ee Turkisom. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta tababarrada iyo tayada ciidamada Soomaaliya.

Intii ay socotay dooda ayaa waxaa taliyaha kula dar daarmay saraakiil ka tirsan dowladda Turkiga si ay u sahmiyaan istaraatiijiyada horumarinta iyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Iyadoo dhawaan ay baxayaan ciidamada ATMIS dhamaadka sanadka, ciidamada XDS ayaa isku diyaarinaya inay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.

Habkan  wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay xoojinta xirfadaha iyo diyaargarowga ciidamada qalabka sida, xaqiijinta kala-guurka iyo ilaalinta xasilloonida Soomaaliya.

ATMIS ayaa lagu wadaa in ay dalka ka baxaan dhammaanka sanadkaan 2024, iyada oo bisha June la qorsheyay in ay baxaan dufacadii seddexaad.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed