Soomaaliya iyo Itoobiya Ka dib heshiiskii ay todobaadkii hore ku gaareen magaalada Ankara ayaa waxaa su’aallo dheeraad ah la iska waydiinayaa tallaabooyinka horay ay u qaaday Itoobiya ee ka dhanka ahaa Soomaaliya.
Sida ku cad heshiiska labada dal waxaa uu dhigayaa in Itoobiya ay aqoonsan tahay madaxbanaanida iyo wadajirka dhulka Soomaaliya ee 64-sano ka hor, taasi oo ka dhigan in dalka wax kasta oo ay ka rabto ay u soo mari doonto dowladda dhexe.
Xidlhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal ka soo saaray ayaa tilmaamay in tallaabada xigta la rabo inay noqoto qunsuliyadaha Itoobiya ee ka furan magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe in la soo mariyo wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Sida oo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka soo gala Baarlamaanka Soomalaiya gobolka Galgaduud ayaa qaba fikrada ah in gebi ahaanba la xiro safaaradda Somaliland ee magaalada Addis Ababa.
“Haddii ay aqoonsatay gobbonimada iyo wadajirka Soomaaliya, waa sida loo dabaaldegee, waxaan arki doonnaa qunsulayadiheeda ka furan Hargaysa iyo Garoowe oo wasaarada arrimaha dibadda dowladda federaalka ah soo maraya iyo in ay safaaradda Somaliland ee Addis-Abbaba xirto” ayuu yiri Cabdiraxmaan.
Diblomaasiyiinta lafa gura siyaasadda geeska Afrika ayaa horay u sheegay in caqabadaha taagan ee heysta Soomaaliya ay qeyb ka yihiin faragalinta qunsuliyadaha Addis Ababa uga dhisan dalka, taasi oo wiiqeysa sida ay hadalka u dhigeen awoodda dowladda Federaalka ah.
Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo xumaa 10-kii bil ee la soo dhaafay ayaa hadda si caadi ah ku soo laabanaya, iyada oo sanadka soo socda la filayo in cahdiyo adag ay kala sixiixa doonaan oo ku saabsan arimaha labada dal iyo dananaa xeeriya.
HBN ONLINE TV