Suuqa Bakaaraha oo ku dhaw in uu xirmo xilli ganacsatada ay muujinayaan walaaac xooggan soona bandhigay cabsho ku aaddan gobolka Banaadir

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay suurtagalnimada in la xiro goobahooda ganacsi, waxayna taasi ku sababeeyeen in ay dhibaato kala kulmaan ciidamo ka tirsan dowladda oo ay sheegeen in ay ka qaataan lacago sharci darro ah.

Shir jaraa’id oo ay qabteen , ganacsato badan ayaa rajo xumo ka muujiyay hab-dhaqanka askarta, gaar ahaan kuwa xiriirka la leh maamulka gobolka Banaadir, kuwaasoo la sheegay inay raadsadaan lacago dheeraad ah oo ka baxsan canshuurta caadiga ah.

“Waxaan qarka u saaranahay in aan xirno ganacsigeena, sababa la xiriira dhibaateynta joogtada ah ee ay nagu hayaan askarta ka dalbaneysa lacago sharci darro ah, horay ayaan u bixinay canshuurtii sidii la rabay, balse dalabaadka lacagaha dheeraadka ah ayaa wali taagan” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada.

Ma ahan markii ugu horeysay oo cabasho noocaan oo kale ah ay kasoo yeerto ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya. Arrinka socda ayaa hoosta ka xariiqaya caqabadaha ay la kulmaan milkiilayaasha ganacsigu si ay u maareeyaan caqabadaha xafiiska iyo hubinta jawi ku habboon ganacsiga.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir oo ku aadan cabashada ganacsatada. Xiriir la’aanta ka imaaneysa maamulada ayaa kaliya sii hurisay niyad jabka ganacsatada, kuwaas oo dareemaya in aan la taageerin dadaalkooda ah in ay si xor ah oo sharci ah u ganacsadaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed