Sudan oo sheegtay in ay joojisay xiriirkii ay la lahayd IGAD sababo la xiriira faragelinta arrimaha gudaha

Sudan ayaa  joojisay gabi ahaanba xiriirkii ay la lahayd IGAD ee ku saabsanaa xalinta dagaalada ka socda dalkeeda, iyadoo sabab looga dhigay faragelinta ururku ku hayo arrimaha gudaha, sida ay sheegtay.

War qoraal ah oo  kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan ayaa lagu wargeliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo hadda ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD, go’aanka dowladda ee ah in IGAD laga qeyb geliyo xalinta dhibaatada Suudaan.

Ka bixitaanka ayaa lagu go’aamiyay in Suudaan lagu daro ajandaha shirka aan caadiga ahayn iyadoo aan marka hore lagala tashan dowladda Suudaan, iyo casuumaad ay IGAD u fidisay hoggaamiye kooxeed inuu ka soo qeyb galo shir madaxeedka Kampala.

“Sudan waxa ay u aragtaa falalkan kuwo xad-gudub ku ah madax-banaanideeda, isla markaana xadgudub weyn ku ah axdiga IGAD iyo xeerarka la dajiyay ee hagaya hawlaha hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Saraakiisha Suudaan ayaa ka xumaaday in “hoggaamiyaha fallaagada” lagu casuumay shir ay isugu imaanayaan madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda.

13-kii Janaayo, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan, ayaa ku dhawaaqday in madaxa Golaha Sare Abdel Fattah al-Burhan uusan ka qeybgali doonin shir madaxeedka 42-aad.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed