Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS0 ayaa safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho, Axmed Juma ku amartay inuu dalka uga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah, halka safiirka Soomaaliya u jooga Imaaraadka dib loogu yeeray si uu wadatashi ula yeesho madaxda qaranka.
Go’aankan ayaa lagu shaaciyay war-murtiyeed ka soo baxay Golaha Wasiirrada, kaas oo sidoo kale faray Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay fuliso go’aanka diblomaasiyadeed ee arrimaha Dibadda Soomalaiya.
“Golaha wasiiradda faray wasaradda arrimaha dibadda inay dalka dib ugu soo celiso Safiirkeena dalka Isugta Imaaradka Carabta si ay madaxda qaranka ay ula yeeshaan wadatashi. Sidoo kale, Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya lagu wargaliyo inuu dalkiisa dib ugu laabto muddo 72 saacadood gudahood ah” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdifitaax Qaasim oo warkan warbaahinta la wadaagay.
Dowladda Soomaaliya ayaa Imaaraadka ku eedeysay inuu ku xadgudbay madax-bannaanida, midnimada dhuleed, amniga gudaha iyo wadajirka qaranka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin isdaba-joog ah oo ay kaga hortagayso waxa ay ku tilmaantay faragelinta Imaaraadka, iyadoo digniin u dirtay cid kasta oo la shaqeysa Imaaraadka si loo fuliyo tallaabooyin ka hor imaanaya madax-bannaanida Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta, Cabdifitaax Qaasim, ayaa sheegay in cid kasta oo iskaashi la yeelata tallaabooyinka noocaas ah laga qaadi doono tallaabo ku habboon.
“Dowladda Soomaaliya waxay qaadeysaa talaabooyin is xigxiga oo la isaga difaacaayo duulaanka qaawan ee dowladda Imaaradka ku soo qaaday, qaranimada, Midnimada dhuleed, wajirka dadeed, aminga gudaha iyo madaxbanaanida dalka Soomaaliya, iyada oo loo marayo wado kasta oo suuragal ah” ayuu yiri markale wasiir Qaasim.
Khilaafkan diblomaasiyadeed ayaa sii xoogeysanaya kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Imaaraadka ku eedeeyay faragelin uu ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya iyo wiiqidda midnimada qaranka.
Soomaaliya ayaa ku biirinaysa dalalka Suudaan iyo Aljeeriya oo iyaguna horey tallaabooyin diblomaasiyadeed uga qaaday Imaaraadka Carabta.
Hbn Online Tv

