Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada, halkaasi oo wararku sheegeen in iska horimaad hubaysan uu ku dhexmaray xoogaga Macawiisleyda mid ka mid ah beelaha deegaanka iyo ciidamada Jibuuti ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika.
Wararka ayaa sheegaya in xoogaga Macawisleydu ay gudaha u galeen garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, iyadoo wararku sheegayaan in ay doonayaan inay ka hortagaan diyaarado ku sii jeeda magaalada.
Iska horimaadka ayaa la sheegay inuu sababay khasaare dhimasho & dhaawac isugu jira oo soo gaaray labada dhinac, inkastoo si rasmi ah aan loo xaqiijin tirada guud.
Ilo madaxbanaan oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa HBN Online Tv u xaqiijiyey in iska hor imaadka uu ku dhintay askari ka mid ahaa ciidamada Jabuuti ee howlgalka Midowga Afrika ee gobolka ku sugan, laba kalane ay ku dhaawacmeen, halka xoogagaga Macawisleyda la xaqiijiyey in tiro ku dhow 4 xubnood ay kaga dhaawacmeen dagaalkaasi.
Iska hor imaadkan waxaa ka horreeyay dagaal kale oo xalay magaalada Beledweyne, kaas oo dhex-maray ciidamo uu watay hoggaamiye ku-xigeenka Hirshabelle, Cabdifataax Xasan Afrax iyo Macawiisleyda deegaanka, waxaana ku dhintay 1 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale.
Magaalada Beledweyne ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka taagneyd xiisad ka dhalatay tabasho ay mid ka mid ah beelaha gobolka ka qabto dhismaha doorashadii dhowaan ka dhacday maamulka Hirshabelle, waxaana magaalada ku sugan Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo taliyihii hore e NISA, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), kuwaas oo hoggaaminayo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah maamulka Hirshabelle ee madaxweyne Cali Guudlaawe.
Ma jiraan wax warar ah oo ka soo baxay Ciidamada Jibuuti, dawlada Soomaaliya & masuuliyiinta deegaanka oo ku aadan xiisadda iyo iska horimaadka maanta dhacay.
Hbn Online Tv

