Ka hor inta aysan dhicin doorashada Madaxweynaha Midowga Afrika ee February 2025, Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa Xarunta Midowga Afrika ka bilaabay shir aan caadi ahayn oo looga hadlayo warbixintii diyaarinta doorashada, waxaana ka qeyb galay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika, Amb. C/llaahi Maxamed Warfaa oo ka qeyb galay kulanka ayaa ka hadlay in Soomaaliya ay u taagan tahay xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika ee doorashada 2025-ka, isagoo carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay ka qeyb galka haweenka, isagoo soo bandhigay qorsheyaal loo dhan yahay oo lagu xalinayo dhibaatooyinka.
Fowziya Xaaji Soomaaliya ayaa ah musharax u taagan hoggaanka sare ee Midowga Afrika, waxaana loo doortay in ay xilka heyso muddo afar sano ah, iyadoo fursad u heysata in mar kale la doorto doorashada vMidowga Afrika ee doorashada 2025-ka
HBN NEWS DESK