Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo qiimeeyay saameynta roobabkii El Niño iyo qorshaha mustaqbalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka  Maxamuud Macallin iyo madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay oo ay horkacayeen ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo Madaxa Xafiiska Gargaarka Bani’aadantinimada ayaa maanta si wadajir ah u shaaciyay qiimeyn lagu sameeyay  Roobabka El-Nino ee da’ay dhammaadkii sannadkii hore.

Qiimeyntan oo ay fulinayaan koox khubaro ah oo ka kala socda qeybaha kala duwan ayaa ujeedadeedu tahay in lagu qiimeeyo inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay roobabkii lixaadka lahaa ee ka da’ay Soomaaliya iyo fatahaadaha ay saameeyeen in ka badan 1.2 milyan oo qof  ku nool Soomaaliya, gaar ahaan dhulka webiyada. Qiimaynta ayaa sidoo kale tilmaami doonta baahiyaha mudnaanta leh iyo daldaloolada hawlaha bani’aadanimo iyo dadaallada soo kabashada.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay in ku dhawaad ​​75 qof loo tababari doono diyaarinta iyo soo bandhigida saameynta xaaladda El Niño oo ah roobabkii lixaad ee ka da’ay dalka dhamaadkii sanadkii hore ee 2023-ka.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa madaxda Bankiga Adduunka, Midowga Yurub iyo Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Maalgashiga. Ka qaybgalayaashu waxay ku heshiiyeen inay isku xirmaan, ka wada shaqeeyaan hirgelinta qiimaynta iyo tababarrada, iyo in la abaabulo agabka taageerada bulshada ay dhibaatadu saameysey.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah bishii Oktoobar 2023 kadib markii cimilo aad u daran oo ka dhalatay El Nino ay burburisay guryo, waddooyin iyo buundooyin.

Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa gargaar bini’aadannimo u fidinayey dadka ay saameeyeen fatahaaduhu, sida cuntada, biyaha, nadaafadda, caafimaadka, hoyga iyo adeegyada ilaalinta.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed