Dowladda Soomaaliya oo laga codsaday in baaritaan culus ku sameyso dhacdooyinkii  Garoonka Beledweyne

U qeybsanaha Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Ciidamada Difaaca Deegaanka, Cali Jeyte Cismaan, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalkii ka dhacay magaalada Beledweyne, gaar ahaan dhacdadii 19-kii bishaan Nofeembar ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Cali Jeyte ayaa Dowladda Federaalka ka codsaday inay baarayaal u dirto Beledweyne si loo ogaado cidda ka dambeysay dhacdadaas, isagoo sheegay inaan shacabka Hiiraan lagu eedeyn falalka dhacay.

Sidoo kale, wuxuu Ciidamada AUSSOM iyo kuwa Jabuuti ka raalli-geliyey weerarkii garoonka, isagoo sheegay in dadka dhibaatada geystay aysan matalin bulshada Hiiraan.

Hadalkan markii uu soo kadib maamulka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay go’aan adag oo xayiraad loogu soo rogay garoonka duulimaadyadii ka bixi jiray iyo kuwii soo degi jiray ilaa amar dambe inta laga xaqiiijinayo sida hadalka loo dhigay amniga iyo badqabka garoonka Ugaas Khaliif ee Beledweyne.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed