Somaliland oo si adag uga hortimid hadalkii shalay ka soo yeeray Masar

Somaliland ayaa sheegtay inay si adag uga soo horjeedo warkii shalay ka soo baxay dowladda Masar ee lagu diiday hishiiskii dhawaan ay Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland, kaas oo ay ku dilmaamtay mid baalmarsan qawaaniinta caalamiga ah, isla markaana Itoobiya u sheegtay in aysan ku xad-gudbi karin madaxbanaanida Soomaaliya.

“faragelin kasta oo dibadeed”, waxayna ku dhiirigelinaysaa #Masar inay dib u habayn ku sameyso dadaalkeeda diblumaasiyadeed ee wax looga qabanayo colaadaha joogtada ah ee kala dhexeeya dalalka deriska ah sida Sudan, Libya, iyo Gaza.”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, oo ka jawaabay hadaladii cuslaay ee ka soo yeeray Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi ee ku saabsanaa heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland, ayaa maanta oo Isniin ah sheegay inay si weyn uga soo horjeedaan faragelin kasta oo dibaddaba.

Somaliland oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay inay sii wadi doonto wada-hadallada iyo iskaashiga dublamaasiyadeed ee ay la yeelanayso dhammaan waddamada, si kor loogu qaado nabadda iyo horumarka Geeska Afrika, waxaanay sheegtay inay aaminsan tahay in “kor u qaadida iskaashiga ay wax weyn ka tari doonto.

Si kastaba Somaliland ayaa ku adkeysaneysa in ay fulin doonto hishiiskii ay la gashay dowladda Itoobiya, oo la kulmeysa cadaadis caalami ah iyo kan gobolkaba.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed