Somaliland oo si adag uga hadashay diidmada Dawlada Soomaliya ee Is-fahamkii Abiy Axmed & Muuse Biixi

Xukuumadda Somaliland Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan ayaa fariin adag u dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ku aaddan in ay ka madax bannan yihiin Soomaaliya, isla markaana ay gaari karaan go’aanno iyaga uu gaar ah, oo ka madax bannaan Muqdisho, sidoo kale waxaa ay sheegtay in marnaba aysan aqbaleyn in looga arrimiyo Koofurta Soomaaliya.

Afhayeen Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi oo war baahinta kula hadlay magaalaada Hargeysa ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay xakunto Somaliland, balse ay diidan yihiin tallaabadaas, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa u intaas raaciyay marnaba aysan doonin laga xakumo magaalada Muqdisho, oo ay doonayaan in ay noqdaan dal madaxbannaan, oo wax walbe ay gaar u yihiin.

Warkaan ayaa ku soo beegmaya iyada oo dowladda Soomaaliya ay diiday hishiis is-af-garad ah oo gaareen Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana uu ka dashay xiisad xooggan oo gobolka ah, taasoo u dhaxeeyso Muqdisho iyo Adis Ababa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed