Somaliland oo sheegtay in Madaxweyne Cirro uu kulan amnig badda Cas looga hadlay la yeeshay Wakiilka Midowga Yurub ee arimaah geeska Afrika

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta hargeysa ku qaabilay wefti ay hoggaaminaysay Wakiilka Midowga Yurub ee u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas, Marwo Ambassador Annette Weber. Kulankan ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray xoojinta is-kaashiga iyo wada-shaqaynta u dhaxaysa Somaliland iyo Midowga Yurub.

Intii uu socday kulanku, waxaa madaxtoyaada Somaliland ay sheegtay in Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub Marwo Annette Weber u xaqiijiyey sida hadalka loo dhigay sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay ilaalinta nabada, xasiloonida iyo nidaamka dimuqraadiga ah ee mandaqadda Geeska Afrika.

Cirro ayaa kaga mahad-naqay taageerada iyo kaalmooyinka horumarineed ee ay Midowga Yurub u fidiyaan Somaliland, gaar ahaan dhinacyada Maamulka iyo dhisidda hay’adaha Dawliga ah, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, biyaha, sugnaanshaha cuntada, xoojinta arrimaha dimuqraadiyadda, Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Waxyaabaha uu Cirro la wadaagay Midowga Yurub ayaa lagu carrabaabay fidinta gogol nabadeed oo bilaa shuruud ah Bariga Gobolka Sool, daminta colaadihii ka jiray gobolka Sanaag iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah in ka badan 6,000 oo qof iyo hubkoodii iyo gaadiidkoodii, hawshaasi la tilmaamay in aanay Somaliland cidina ka caawinin.

Dhinaca kale, wuxuu uu si cad u tilmaamay sida madaxtooyadu soo tabisay in doorka amni iyo ka istiraatijiyadeed ee ay Somaliland ku leeyahay sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, maadaama ay Somaliland xuduud ahaan marrin-biyoodkan ku leedahay xeeb uu dhererkeedu yahay in ka badan 800-KM, taasina ay lagama maarmaan ka dhigayso in aan indhaha laga lalin karin.

Sidoo kale, Wakiilka Midowga Yurub waxay Somaliland ku bogaadisay sida lagu cadeeyey bayaanka madaxtooyada nabadda, xasilloonida iyo hannaanka dimoqraadiyadda qaan-gaadhka ah ee ka jira Somaliland, iyada oo muujisay sida ay Midowga Yurub diyaarka ugu yihiin in ay Somaliland wax la qabtaan, iyada oo la sahaminayo dariiqooyin lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya labada dhinac, si loo xaqiijiyo himilooyin la wadaago oo waara.

Ugu dmabeyn, labada dhinac waxay isla garteen sida warka loo dhigay baahida loo qabo in la sii xoojiyo iskaashi dhab ah oo u dhexeeya labada dhinac iyo aragti wadaag ku aaddan nabad waarta iyo horumar loo dhan yahay oo ka hirgala Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed