Boqolaal Tahriibayaal Soomaali ku jirto oo maanta Gaaray Xeebaha dalka Giriigga

Waxaa la xaqiijiyey inay gaareen xeebaha dalka Giriigga Boqolaal tahriibayaal Afrikaan ah, oo ay ku jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaa  ka degay jasiiradaha Crete iyo Gavdos, sida ay sheegtay warbaahinta CGTN Africa.

Dadkaasi oo tiradooda lagu sheegay ku dhowaad 1,200 oo qof ayaa la sheegay inay safarkooda tahriibka ka soo bilaabeen xeebaha dalka Liibiya, iyagoo ka gudbay badda Mediterranean-ka si ay u gaaraan dalka Giriigga.

Ilaa hadda lama shaacin dalalka ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan dhammaan dadkaasi iyo tirada saxda ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira. Xogaha baraha bulshada Soomaalida ku faafay waxaa ku jira dadkaani mid ka mid ah dadka caanka ahaa warbaahinta dalka, si gaar ah Muqdisho.

Dhanka kale, waxaa sii kordhaya tirada dadka tahriibka ka sameynaya qaaradda Afrika, gaar ahaan kuwa ka baxaya xeebaha Waqooyiga Afrika ee doonaya inay gaaraan dalalka Yurub.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in in ka badan 4,000 oo tahriibayaal ah ay gaareen xeebaha dalka Spain toddobaadyadii la soo dhaafay oo keliya.

Kororka dadka badda u maraya dalalka Yurub ayaa muujinaya sida uu u sii kordhayo qulqulka tahriibayaasha Afrikaanka ah ee ka tallaabaya badda Mediterranean-ka.

Dowladda Soomaaliya oo wada qorshe ay kaga hortagayso tahriibka ayaa sheegtay in sanadkan oo kali ah ay dalka ku soo celisay tiro ka badan kun dhalinyaro oo doonayey inay safar sharci darro ah ku tagaan Yurub, balse dhibaatooyin iyo tacadiyo adag ku heysteen xabsi ay ku heysteen kooxo Magafayaal ah gudaha dalka Liibiya.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed