Faahfaahin ka soo baxaysa howlgal lagu dilay xubno sare oo Al-Shabaab ah Hiiraan

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya er NISA ayaa sheegtay in 2 horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay, 2 kalena lagu dhaawacay howlgal qorsheysan oo dhamaadka todobaadkii hore ka dhacay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan, kaas oo ay ciidamadu fuliyeen iyagoo kaashanaya l tilmaamay saaxiibada caalamka.

NISA ayaa magacyada horjoogeyaasha la dilay ku kala sheegtay Cabdullaahi Maxamuud Abuukar (Abuu Khaalid), oo ahaa madaxa maleeshiyaadka Xisbada ee degmada Raaga-Ceelle ah iyo Ayuub oo u qaabilsanaa deegaanka Afarta Tuulo.

Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu dhaawacay Macallin Mursal oo kooxda u qaabilsanaa sida warka lagu xusay beeraha iyo kanaallada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyo Faysal oo ahaa mas’uulka maleeshiyaadka Xisbada ee degmada Jalalaqsi.

NISA waxay sheegtay in dhammaan horjoogeyaashan ay dhawaan tababar 6 bilood ah ku soo qaateen deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hay’adda ayaa carrabowday in howlgalka la fuliyay xilli horjoogeyaashu ay qorsheynayeen falal sida hadalka ay u dhigtay ku dhibaateyn lahaayeen shacabka, gaar ahaan dadka ku howlan wax-soo-saarka beeraha.

NISA ayaa intaas ku dartay inay sii wadi doonto howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo shacabka ugu baaqday inay la wadaagaan macluumaadka la xiriira amniga.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed