Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa xalay abaare 2:30 habeenimo howlgal lagu sheegay mid burburin ah ka fuliyay suuqa Xararyaale ee degmada Warta-nabadda magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dumiyay kawaanka hilibka oo xilligaas ay ka socotay dejinta hilibka. Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, howlgalka ayaa sababay dhimashada 2 qof iyo dhaawaca 5 kale, waxaana sidoo kale burburay hanti ganacsi oo halkaas taallay.
Dhacdadan ayaa dhalisay caro iyo cambaareyn xooggan, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in suuqaasi uu ahaa il-nololeed ay ku tiirsanaayeen ganacsato iyo qoysas badan. Burburinta suuqa Xararyaale ayaa sidoo kale dhalisay dood ku saabsan habka dowladda u maareyso howlaha dhul-ka-saarista ee ka socda caasimadda.
Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay DFS inay wado sida uu hdaalka u dhigay boobka hantida shacabka iyo barakicinta dadka rayidka ah, isaga oo howlgalka xalay ku tilmaamay mid naxariis darro ah.
Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku andacooday in boqolaal qoys ay waayeen ilihii noloshoodu ku tiirsanayd, isaga oo dhaliilay habka ciidamada dowladda ula dhaqmeen shacabka.
Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa isaguna cambaareeyay talaabadii xalay ee Suuqa lagu burburiyey, isaga oo sheegay in ganacsatada yaryar iyo qoysaska danyarta ahi ay yihiin kuwa ugu badan ee ay saameeyeen tallaabooyinkan. Saddexda siyaasi ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay dhacdada.
Muuqaalo ku baahay warbaahinta bulshada ayaa muujinaya Suuqa weyn ee Xararyaale oo dhismahiisa uu soo gaaray burbur dhamaan dhulka la dhigay.
Ilaa hadda hay’adaha ammaanka Dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir kama hadlin sababta ka dambeysay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah iyo burburka loo geystay suuqa Xararyiile ee Muqdisho.
Hbn Online Tv

