Faahfaahin ka soo baxaysa Duqaymo lala beegsada Alshabab buuraha Calmadow

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqaymo culus oo ka dhacay buuraha Calmadow ee silsiladdaha Golis ee gobolka Bari ee Soomaaliya, Puntland, halkaas oo ay ku dhuumaalaysanayeen dagaalamayaal iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda  Al-shabaab.

Duqaymahaan oo ay fuliyeen sida la tilmaamay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ayaa lagu bartilmaameedsaday deegaamada Bood-boode, Mushaxaleed iyo buuraha ku dhow Xabaasha-wacle, kadib markii la helay sida xogtu tilmaamay war ah is-urursiga kooxda Alshabaab.

Ilo amni ayaa xaqiijiyey in duqeymaha ay ka dhaceen deegaannadaas, hase yeeshee weli si madax-bannaan looma xaqiijin khasaaraha ka dhashay, tirada xubnaha kooxda ee waxyeelladu gaartay iyo baaxadda burburka goobaha la duqeeyay.

Weli howlgalka Maraykanka ee Afrika ee AFRICOM kama uusan hadlin duqeyntan, iyo xubnaha dhintay xilalka ay kooxda ka dhex-haayeen.

Maamulka Puntland ayaa muddooyinkii dambe wadday howlgalo amni oo lagu bartilmaameedsanayo kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari iyo Sanaag oo muddooyinkii dambe bilaabay weeraro dhabba-gal ah oo ay ku qarxiyeen gaadii maamulkaasi.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed