Somaliland oo lagu eedeeyay inay duqeysay Isbitaalka Laascaanood

Afhayeenka guddiga 33-da xubnood ee SSC ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay duqeyn u geysteen Isbitaalka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Cabdirisaaq Xasan Falaalug oo saxaafada kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa sheegay in duqeynta maanta loo geystay Isbitaalka ay dhalisay waxyeelo soo gaartay dhaawacyadii ku jiray Isbitaalka, dadkii joogay iyo waliba qalabkii uu ku shaqeyn jiray isbitaalka.

Cabdirisaaq waxaa kale oo uu sheegay in ciidanka Somaliland qafaasheen shaqaalihii warshada korontada ee rayidka ahaa, kuwaasi oo waa sida hadalka u dhigay’e laga hadal siiyay iyagoo laga dhigayo maxaabiis.

Dhinaca kale war ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland ayaa lagu beeniyay in ciidankoodu beegsadeen Isbitaalka, waxaana warsaxafadeedka lagu yiri;

“Waxaanu shacabka Somaliland iyo beesha caalamkaba u caddaynaynaa in aanay Ciidanka Qaranku marna bar-tilmaameedsanayn xarumaha bulshada sida cusbitaallada iyo dugsiyada. Wararkan been abuurka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada ayaa ah kuwo la doonayo in lagu waxyeeleeyo sumcadda Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Sida muuqaaladii hore lagu arkay, xarumaha waxaa si bareer ah u waxyeeleeya kooxo wajiyo badan leh oo gacan saar la leh kooxaha nabad diidka ah iyo argagixisad”

Dagaalka ka socda gobolka Sool ayaa galay maalintii 23-aad, waxaana maanta dagaalku ka dhacay dhawr jiho oo ku dhow magaalada Laascaanood, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaraya dhinacyada dagaalamaya.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed