Warar iskhilaafsan oo ku saabsan markab lagu haystay xeebaha Puntland oo xoog looga furtay burcad baddeedii

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada xeebaha ee loo yaqaan PMPF inay howlgal ku soo furteen markabka MTT-SIBU1 oo muddo ka badan bil ay burcad-badeed ku haysteen xeebaha gobolka Bari. Markabka ayaa siday shidaal laga soo qaaday Imaaraadka Carabta loona loo waday dalal Yurub ah.

Howlgalka oo qaatay in ka badan 5 saacadood ayaa la tilmaamay in lagu adeegsaday hub noocyo kala duwan ah, iyadoo ciidanka Puntland ay soo furteen markabka.

Inkastoo Puntland sheegtay in markabka xoog ay ku soo furteen ciidamada maamulka haddana, waxaa warbaahinta qabsaday warka ku saabsan in maleeshiyo qabaa’iil oo Ciraaq ka yimid ay markabka xoog ku furteen.

Maleeshiyada qabaa’iil ee Ciraaqi ah oo lagu magacaabo Al-Shaghaana ayaa sheegatay in iska horimaad dhacay inta la howlgalku socday in lagu dilay qaar ka mid ah burcad-badeedda, halka qaar kalena la qabtay, iyadoo howlgalka ay ka qayb qaateen ciidamo ka tirsan Puntland.

Ilo madaxbanaan ayaa tilmaamayin maleeshiyaadka ay qaraabo ama isku beel yihiin ganacsadaha leh markabka Burcaddu ku heysteen xeebaha Puntland.
Inta la xaqiijiyay, hal qof oo ka tirsanaa burcad-badeedda ayaa ku dhintay iska horimaadka, halka 5 kale ay ku dhaawacmeen, oo uu ku jiro askari ka tirsan PMPF.

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay 14 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen kooxihii afduubka ku haystay markabka, waxaana maxaabiista lagu wareejiyay ciidamada Puntland.

Ma jiraan ilo madaxbannaan oo xaqiijin kara wararka iska soo horjeeda, inkastoo su’aalo ay ka taagan yihiin halka ay hubka la soo mareen maleeshiyada Ciraaq ee sheeganaya in markab xoog ku soo furteen maadaama ay aad u kala fog yihiin halka markabka lagu haystay iyo Ciraaq.

HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed