Wasiir Fiqi & Taliyaha CXD oo loo diray amar soo gole joojin ah

Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud si ay uga jawaabaan sida hadalka loo dhigay cabasho la xiriirta in xuquuqda ku dhowaad 6,000 oo askari howlgab & naafo ah oo ay dheer tahay qoysaska askarta ku dhimatay furimaha dagaalka oo laga jaray.

Sida ay warbaahinta madaxbannaan ku heshay Warqad ka soo baxday Guddiga, oo uu ku saxiixan yahay Axmed Cabdi Kooshin, Xoghayaha Guddiga, ayaa lagu sheegay in loo yeeray Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, si ay uga jawaabaan cabashada ku saabsan 6-kun oo askari oo howlgab iyo naafo ah, kuwaas oo la sheegay in laga jaray xuquuqdoodii, qaarna laga dhimay 50%, halka qoysaska saraakiishii geeriyootayna laga jaray ilaa 60%. Guddigu wuxuu arrintan ku tilmaamay mid u baahan in la caddeeyo sida uu hadalka u dhigay sababta iyo sharciga loo cuskanayo.

“Waxa nasiib daro ah in 6000 oo ciidan ah, isuguna jira hawlgab, naafo ah iyo shuhadadii ku dhimatay furimaha dagaalka cadowga khawaariijta looga xoraynayey wadanka, in la duudsiyey xuquuqdoodi. Waxa kaloo ayaan daro ah in mushahaarkii 50% laga dhimay naafada iyo howlgabka, halka 60% laga jaray qoysaska saraakiishii geeriyootay,” ayaa lagu yiri warka Guddiga.

Guddiga ayaa Wasiir Fiqi ka dalbaday inuu sharaxo sida ku xusan Warqadda “sababta iyo habraaca loo maray jarista lacagaha”, iyo cidda siisay awoodda lagu dhimay, sida hadalka loo dhigay, xuquuqda ciidamada, iyadoo aan sida uu Guddigu sheegay Baarlamaanka lala socodsiin ama dib-u-eegis lagu samayn qoondada miisaaniyadda.

Sidoo kale, Guddigu wuxuu Wasiirka ka dalbaday xog ku saabsan tirada inta xero ee ciidanku lahaa ee la iibiyey, tirada ciidamada iyo qoysaskooda, sida hadalka loo dhigay, ee la barakiciyey, iyo tallaabooyinka Wasaaradda Gaashaandhigga ay ka qaaday guryihii ay ku noolaayeen ciidamada iyo qoysaskoodu.

Waxaa bayaanka oo laba bog ka koobnaa lagu soo gabagabeyey in Wasiir Fiqi loo qabtay inuu muddo 72 saacadood ah oo u dhiganta 3 maalmood qoraal kaga jawaabo su’aalaha Guddiga, waxaana isaga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka lagu amray inay hortagaan Guddiga Difaaca 4-ta Oktoobar 2026, saacadda 11:00 subaxnimo, xarunta Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

 HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed