Dowladda Soomaaliya ayaa shirkadaha diyaaradaha ee isticmaala garoomada ku yaalla maamullada Jubbaland iyo Somaliland ugu digtay inay muujiyaan taxaddar, kadib markii ay sheegtay in saadasha cimiladu muujisay roobab fudud oo gaaraya 5–10 mm inay ka da’aan halkaasi.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa sheegtay in roobab la filayo saacadaha soo socda ay saameyn ku yeelan karaan garoomada diyaaradaha ee Hargeysaiyo Kismaayo.
“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay ogeysiinaysaa dhammaan daneeyayaasha duulista in, sida ku cad saadaasha cimilada, caawa laga filayo roobab fudud (5–10 mm) gobollada Jubba Hoose iyo Waqooyi Galbeed,” ayaa lagu yiri bayaanka Hay’adda.
Sidoo kale, Hay’addu waxay masuuliyiinta garoomada, shirkadaha diyaaradaha iyo dadka rakaabka ah kula talisay inay xaaladda ku xisaabtamaan si loo xaqiijiyo badqabka duulimaadyada.
Dhanka kale, Hay’addu waxay sheegtay in Muqdisho aan laga filayn roob la mid ah, iyadoo saadaashu aysan muujinayn wax roob ah.
Masuuliyiinta garoomada Somaliland iyo Jubbaland ayaa aan durba ka jawaabin warqadda ka soo baxday caawa Hay’adda Duulista Soomaaliya.
HBN Online Tv

