Somaliland oo ka hadashay weerar Xuutiyiinta ay ku qaadeen maalin ka hor markab la sheegay in uu ku sii jeeday xeebaha maamulkaas

Somaliland oo ka jawaabtay wararka sheegaya in weerar lagu qaaday markab la sheegay inuu ku soo jeeday dekedda Berbera, ayaa Somaliland si adag u beenisay warkaas, iyadoo cadaysay halka uu u socday iyo halka uu ka yimid. Maareeyaha Haamaha Shidaalka Somaliland ee Berbera Axmed Ibraahim Cabdi oo waraysi gaar ah siiyay Idaacadda VOA ayaa beeniyay wararka sheegaya in markabka ay bartilmaansadeen kooxaha Xuutiyiinta uu ku soo wajahan yahay magaalada Berbera.

Sida uu sheegay Cabdi, markabkan oo la sheegay inay leedahay shirkadda Trafigura, ayaa shidaal ka soo qaaday dalka Ruushka, kuna sii jeeday dalka Singapore, taasoo meesha ka saartay wax xiriir ah oo uu la lahaa dekedda Berbera. Waxa uu ku nuux-nuux saday in socdaalka markabkani aanu ahayn mid ku xiran Somaliland, waxaanu yidhi “Markabku ma iman Berbera, waxaanu si dhaw ula soconaa shiidaalka ku socda badda cas”.

Diidmadan ayaa timid iyadoo xiisadda ay sii xoogeysatay kadib weeraradii ugu dambeeyay ee kooxaha Xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay dalka Yemen weerar ku qaadeen maraakiib ganacsi oo marayey badda cas. Markab laga leeyahay dalka Britain ayaa lagu garaacay gantaalo,taasi oo muujineysa xaalada amni ee gobolka oo aan wanaagsaneyn.

Somaliland ayaa walaac xooggan ka muujisay khataraha isa soo taraya ee ku wajahan isu socodka gaadiidka badda cas ee mara badda cas, iyadoo ka codsatay beesha caalamka inay iska kaashadaan ilaalinta waddooyinka muhiimka ah ee ganacsiga.

Iyadoo ay sii kordhayaan xaaladda khatarta ah, Somaliland waxay sheegtay inay weli ka go’an tahay ilaalinta baddeeda iyo xaqiijinta badqabka gaadiidka badda ee ka agdhow.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed