Somaliland oo ka hadashay halka uu marayo hishiiskii muranka dhaliyay ee dhexmaray Muuse Biixi iyo Abiy Axmed xilli guddi loo magacaabay

Somaliland ayaa ku dhawaaqday ‘horumar’ laga gaaray hirgelinta heshiiskii is-fahamka ahay isla markaana muranka dhaliyay ee Itoobiya, kasoo  dhacay horraantii bishii hore ee Janaayo, Sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cali Maxamed Xasan (Cali Mariixaan)ayaa ka dhawaajiyay in hishiiskaas  loo saaray guddi khubaro ah oo dhammaystirka hawshan.

Wasiirka Cali oo u warramayay warbaahinta waxa uu iftiimiyay ganacsiga soo jireenka ah ee Itoobiya, nabadgelyada iyo xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, asaga oo carabka ku dhuftay in heshiiskani door ku leeyahay xoojinta xiriiradii hore.

Waxa uu gaashaanka u daruuray hadal ka soo baxay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ku saabsanaa joogitaanka Somaliland ee saraakiil sarsare oo Itoobiya ka tirsan, asagoo taas beddelkeeda sheegay in wax-is-dhaafsiga ay ku lug leeyihiin madax sare oo Somaliland ah oo booqasho ku tagay Addis Ababa oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda  Ciise Kayd Maxamuud.

Guddiga uu magacaabay Hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka kooban Aqoonyahano, Garyaqaano iyo Dublamaasiyiin. Waajibkooda ayuu sheegay in ay tahay in si deg deg ah heshiiska loo dhameystiro, kadibna la horgeyn doono golayaasha sharci dejinta si loo ansixiyo.

Wasiir Cali waxa uu sheegay in dhammaystirkooda guusha ah ay dhabaha u xaari karto in Itoobiya si rasmi ah u aqoonsato Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, sheegashadan oo kale ayaa waxaa ka soo horjeestay dowladda Soomaaliya, iyadoo intaas ku dartay in gooni-isu-taagga Somaliland ay xad-gudub ku tahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed