Somaliland ka hortimid bayaankii ka soo baxay ururka Jaamacadda Carabta ee lagu cambaareeyay hishiiskii ay wada-saxiixdeen Biixi iyo Abiy Axmed

Somaliland ayaa ka hortimid bayaankii ka soo baxay shirkii ururka Jaamacadda Carabta, kaasoo lagu taageeray madax-bannaanida Jamuuriyadda Soomaaliya, isla markaana lagu cambaareeyay hishiiskii ay wada-saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya, horraantii bishaan, kaasoo lagu sheegay in uu yahay mid baalmarsan Qawaaniinta caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobeey.

Jaamacadda Carabta ay ku dhawaaqday in ay Soomaaliya ka taageereyso Amniga, Xasiloonida, Midnimada, Madaxbanaanida iyo Midnimada Dhuleed, iyo Taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo ilaaliyo Madaxbanaanida Dhulka Soomaaliya. Badda, berriga iyo cirka iyo in aanay waxba ka jirin heshiiska Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland.

Xukuumadda Harageysa ayaa bayaan adag ka soo saartay hadalkaan, “Somaliland waxa ay u aragtaa war-murtiyeedka ka soo baxay Jaamacadda Carabta mid cadawtinimo ah, oo ka baxsan xaqa ay u leedahay gooni-isu-taagga, iyo  lagu sameyay faro-gelin qaawan arrimaheeda gudaha”.

Sidoo kale bayaan ayaa lagu sheegay in ay ka digeyso Somaliland  dhibatooyinka dhalan kara fariimaha ay dowladda Soomaaliya u jeedineyso caalaamka ee ka dhanka ah hishiiskii Hargeysa iyo Adis Ababa, waxaana lagu yiri:  “Somaliland waxa ay ka digaysaa saamaynta taban ee uu maamulka Muqdisho u jeedinayo beesha caalamka guud ahaan, gaar ahaan dadka Carabta ah ee ku wajahan heshiiskii ay  Somaliland la gashay dawladda federaalka Itoobiya, Mas’uuliyad darro hurin karta colaadaha gobolka Geeska Afrika”.

Somaliland ayaa  si cad ugu sheegtay Jaamacadda Carabta, iyo  dhammaan dawladaha xubnaha ka ah , iyo guud ahaan caalamkaba in madax-bannaanida  Somaliland ay tahay go’aan aan soo noqosho lahayn, diyaarna u yihii inay sii wadaan halgankoodu, sida ay hadalka u dhigeen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed