Siyaasiinta Miisaanka culus oo soo saaray war ka dhan ah Itoobiya isla markaana garab istaagay dolwadda Soomaaliya

Siyaasiyiinta miisaanka culus ku leh siyaasadda Soomaaliya ayaa isu yimid kuwaas si buuxda u taageeray dowladda, isla markaana ay kaga soo horjeedaan damaca Itoobiya, “taageerada iyo wadajirka aan kala go’a lahayn ee ay dowladda federaalka Soomaaliya ugu jirto ilaalinta qaranimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee qaranka”ayaa lau yiri bayaanka ay soo saareen.

Mawqifkan wadajirka ah ayaa imanaya iyadoo ay sii kordhayso xiisadda u dhaxaysa Itoobiya, taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay danaha qaranka in la ilaaliyo, lagana hortago wax walbe opo lid ku ah madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh  iyo Ra’iisal wasaarayaal hore, ayaa si wadajir ah u soo saaray warsaxaafadeed ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan dadaallada ay waddo dowladda Soomaaliya. Qoraalkooda ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo mabaadi’da aasaasiga ah ee Soomaaliya, lagana hortago wax kasta oo caqabad ku ah madax-bannaanideeda.

Shaqsiyaadka caanka ah ee ka qeyb qaatay taageeradan mideysan ayaa waxaa ka mid ah saddex Ra’iisul Wasaarayaal hore oo kala ah – Cabdiweli Cali, Cumar Cabdirashiid, Xasan Cali Khayre – iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore Ridwaan Khersi. Sidoo kale, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Xildhibaan C/Raxmaan C/Shakuur, C/qaadir Cosoble iyo C/Naasir Cabdulle ayaa dhammaantood soo dhaweeyay codkooda.

War-murtiyeedka wadajirka ah ayaa ka tarjumaya welwelka weyn ee madaxda siyaasadda Soomaaliya ay ka qabaan xaaladda kacsan ee Itoobiya.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed