Siyaasiin mucaraad ah oo waxbo kama jiraan ku tilmaamay go’aankii baarlaaanka Soomaaliya ay ku ansixiyeen wax ka beddelka dastuurka

Ra’iisalwasaarayashii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame ayaa ka horyimid tallaabadii maanta baarlamaanku ay ku meel mariyeen 4 cutub ee wax ka beddelka dastuurka KMG, isla eed culus u jeediyay madaxweynaha Soomaalya Xasan Sheekh.

Haddaba bayaan ay soo saareen ayey ku yiraahdeen:-

“Madaxweynuhu wuxuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, wuxuu qalqal geliyey geedi socodkii dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska, wuxuu dhaawacay is aaminaddii iyo kalsooni dhiskii ummadda, wuxuu dalka u sameeyey laba dastuur oo muran iyo mugdi gelinaysa sharciyadda Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dastuuriga ah”.

Waxa ay sidoo kale sheegeen ay qaadaceen waxay ugu yeereen dastuurka cusub, isla maraakana ay aqoonsan yihiin dastuurka KMG ee ka kooban 15 cutub iyo 143 qodob, kuwaas si cad u sheegay in aysan aqbaleyn hadal ay ku sheegeen ” dastuur loo beddelayo xaqiijinta damaca gurracan iyo rabitaanka madaxtooyada”.

Waxay soo jeediyeen in la isku raacsanyahay qabyo-tirka iyo dhamaystirka Dastuurka oo ay ugu muhiimsanyihiin;

  1. Maqaamka Caasimadda.
  2. Caddaynta awoodaha dowladda federaalka ah iyo dawlad goboleedyada.
  3. Qaybinta khayraadka iyo dakhliga dalka
  4. Xadaynta awoodaha garsoorka, maaliyadda iyo amniga labada heer federaal iyo Gobol.
  5. Dhisidda Maxkamadda Dastuuriga ah.

Si kastaba, go’aannada wax ka beddelka dastuurka ee maanta la anxisiyay ayey ka digayeen siyaasiinta mucaraadka ah siyaabo koox koox ah iyo shaqsiyasaad balse Villa Somalia ayaanan dheg jalaq u siinin oo horay u sheegtay inay ka go’aantahay fulinta howshaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed