Sirdoonka Soomaaliya oo sheegay in howlgal qorsheysan u ku dileen ku dhawaad 30 Alshabaab ah.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa sheegay in howlgallo ay sameeyeen oo ka kala dhacay deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Gariile ee Gobolka Galgaduud ay ku dileen ilaa 40 xubnood oo Alshabaab ah, halka 29 kalana lagu dhaawacay.

Waxaa ay hay’addu sheegtay in Horjooge Sare oo ka tirsanaa Alshabaab oo lagu magacaabi jiray Macalin Aarow isla markaana ahaa horjoogaha maleeshiyada lagu dilay howlgal qaatay in ka badan 24-saac oo ka dhacay Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Ciidamada Sirdoonka NISA oo tilmaamay in iyaga oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ah lagu bartilmameedsaday maleeshiyaad isku abaabulayay sida hadalka loo dhigay, waxaana halkaas lagu dilay dhammaan xubnihii, iyada oo la burburiyay Saanad Ciidan.

Dowladda waaxa ay carrabowday in iyada oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamka ay laba jibaartay howlgallada bartilmaameedka ah ee lagu beegsanayo maleeshiyaadka Alshabaab iyo horjoogeyaasha kale ee ka tirsan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed