DFS oo sheegtay in ku dhawaad 600 oo xarumo caafimaad halis u galeen inay xirmaan

Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa sheegay in ku dhowaad 600 xarumood oo caafimaad ay halis ugu jireen inay xirmaan, sababo la xiriira hoos u dhaca maalgelinta dibadda oo meesha ka baxday. Wuxuu sheegay in wasaaraddu ay heshay dhaqaale lagu sii wado adeegyada xarumahaas ilaa bisha December ee dhamaadka sanadkan 2026.

Isaga oo xogtan la wadaagayey guddi ka socday Golaha shacabka ayuu xusay in caafimaadka Soomaaliya uu weli si weyn ugu tiirsan yahay deeq-bixiyeyaasha, halka dakhliga gudaha qayb badan loogu adeegsado amniga.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhimashada hooyada ee Soomaaliya hoos uga dhacday 692 ilaa 563 hooyo halkii 100,000 oo dhalmo ah, hase yeeshee uu qiray in heerkaas aanu weli ahayn meesha Soomaaliya doonayso inay gaarto.

Wuxuu tilmaamay Dowladda Soomaaliya qorsheynayso  shaqaaleysiinta boqolaal umuliso si adeegyada hooyada iyo dhallaanka loo gaarsiiyo meelaha adeeggu ku yar yahay.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed