Shirkadda Ethiopia Airline oo jawaab ka bixisay diyaaradii maanta hawada ay ka celisay dowladda Soomaaliya

Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya faah faahin ka bixisay diyaarad ay leedahay Itoobiya oo maanta laga celiyay hawada, xilli ay ku sii jeeday magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, taasoo wadday saraakiil sar sare oo ka tirsan xukuumadda Itoobiya.

Hay’adda Duulista ayaa xaqiijisay inay dib u celisay diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo ku socotay hawada, taasoo doonaysay inay ” fasax la’aan ku degto magaalada Hargeysa ee Somaliland.

War saxaafadeed ka soo baxay hay’adda duulista rayidka ayaa lagu sheegay in diyaaradda Ethiopian Airlines, Dash 8-Q400, duulimaadkeeduna yahay ET8372, laga celiyay hawada Soomaaliya, kaddib markii lagu helay “in aan fasax loo haysan, isla markaana aan wax ruqsad ah u lahayn duullimaadyada Soomaaliya”.

Dhanka kale Maamulaha shirkadda Ethiopia Airline Mesfin Tasew oo waraysi siiyey laanta Af-Amxaariga ee idaacadda BBC ayaa xaqiijiyey in dib loo celiyey diyaarad shirkadddaa ka tirsan oo maanta ka soo degi lahayd garoonka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.

Diyaaraddan oo duulimaad number keedu ahaa ET8372 ayuu Maamulaha sheegay in aanay ogolaanshi ka haysan dawladda Soomaaliya taas oo keentay in ay dib ugu laabto magaalada caasimadda ah ee Addis ababa.

Hay’adda duulista hawada ayaa sheegtay in ay ku xad gudubtay shuruucda caalamiga ah ee hawada iyo shuruucda u dagsan Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in duullimaadyadu ay fasax sax ah qaataan ka hor inta aysan hawada gelin.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Dauud Aweys, ayaa BBC-da u sheegay in diyaaradda oo ay la socdeen saraakiil sarsare oo ka tirsan dawladda Itoobiya loo diiday inay gasho Hargeysa.

Majiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay xukuumadda Somaliland ee ku aaddan diyaarada maanta laga celiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada hargeysa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed