Maanta oo Arbaca ah ayaa lagu wadaa in uu furmo shirka Jaamacadda Carabta kaasoo horay loo qorsheyay isbuucaan, isla markaana la filayo in looga hadlo heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland oo xiisad adag ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya.
Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka, Hossam Zaki, ayaa Axaddii ayaa ku dhawaaqay in kulanka Arbacada la qaban doono lagu lafo guri doono colaadda iyo dhibaatooyinka ka dhashay xad-gudubka ay Itoobiya ku hayso madax-bannaanida Soomaaliya.
Shirka Jaamacadda Carabta ee maanta looga hadlayo xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku soo aadeysa xilli maalinta berri ah oo ku beegan 18-ka Janaayo madaxda dalalka IGAD ay qorsheynayaan in shir deg deg ah oo ku saabsan xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya ka soo korortay
Itoobiya ayaa diiday shirkaas, waxayna Itoobiya warqad rasmi ah oo ay u dirtay Jabuuti ku muujisay sida ay uga xun tahay baaqashada shirka IGAD, iyadoo ku andacooneysa ogeysiis gaaban iyo jadwalka. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sheegtay in arrimo kale ay ku mashquulsan yihiin, waxayna soo jeedisay in dib loo dhigo.
Si kastaba, shirarka ayaa lagu kala wadaa in maanta iyo berri ay dhacaan, sida horay loo dejiyay, kan Jaamacadda Carabta ayaa maanta la filayaa, halka kan IGAD la qorsheyay beerito.
HBN NEWS DESK