War saxaafadeed ka soo baxay SSC-Khaatumo maanta oo Isniin ah ayaa lagu eedeeyey Puntland in ay qaaday talaabooyin halis ah ku ah jiritaanka maamulkooda.
Wasiirka warfaafinta maamulka SSC-khaatumo Najiib Barkhadle Warsame oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Laasacaanood ayaa sheegay in qaar ka mid ah madaxda Puntland ay qaadeen talaabooyinka lagu cuuryaaminayo jiritaankooda iyo is kaashi buuxa oo dhexmara labada maamulka.
Waxaa uu ku eedeeyey in la marin habaabiyey sida uu hadalka u dhigay mashaariicyo kala duwan oo laga fulin rabay deegaannada SSC-Khaatumo iyo marin habaabiyin ay ku sameysay Puntland Hay’adaha caalamiga ee fadhigoodu yahay Kenya oo warbixino aan sax aheyn kaga gudbiso Maamulkooda.
Maamulka Puntland ayaan wax jawaab ah ka bixin eedynta ka timid maamuka ku meel-gaarka ah ee SSC-KHaatumo.
HBN ONLINE TV