Madaxweyne Deni oo wadahalo siyaasadeed la yeeshay Odayaasha gobolka Mudug

Madaxweyne  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kulan kula yeeshay nabadoonnada iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka Mudug, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xaaladda guud ee gobolka, gaar ahaan amniga, xasilloonida iyo arrimaha horumarinta.

Kulanka ayaa looga hadlay amniga iyo xasilloonida gobolka, iyada oo gobolka uu todobaadkii hore galay xaalad siyaasad oo adag, iyada oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan golayaasha Puntland, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug iyo Gaalkacyo.

Sidoo kale, Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in gobolka ay ka hirgali doonot mashaariic horumarineed, kuwaas oo ay kamid yihiin dhamaystirka jidka isku xira Gaalkacyo iyo Garoowe iyo mashruuca biyo-saarka magaalada Gaalkacyo oo la sheegay inuu dhawaan bilaabanayo.

Kulankan ayaa ku soo aadaya maalmo kadib markii ciidamada Puntland ay la wareegeen xeradii Ciidamada PSF ee magaalada Gaalkacyo, kadib dagaal culus oo 5-tii bishaan Agoosto ka dhacay waqooyi-bari magaalada.

Puntland ayaa tan iyo markii uu dagaalku ka dhacay arbacadii todobaadkii hore waxay waday howlgallo lagu sheegay kuwo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida deegaanadeeda.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed