Ciidamo ka tirsan kuwa gaarka ah ee Xoogga Soomaaliya ayaa Turkiga ku soo gabagabeeyey tababar milatari oo heerkiisu sareeyo, iyadoo la filayo inay maalmaha soo socda dib ugu soo laabato magaalada Muqdisho.
Tababarka oo ka dhacay magaalada Manisa ayaa waxaa soo xiray Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo uu weheliyo dhiggiisa Turkiga Metin Tokel. Taliyaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo ciidamada Turkiga taageerada iyo khibradda ay siiyaan ciidamada Soomaaliya.
Ciidamada Gorgor ayaa hadda gaaraya dhowr guuto, waxaana Turkigu ay mas’uul ka tahay tababarka, qalabaynta iyo gaadiidka gaashaaman ee ciidamada, halka Qatar ay maalgeliso barnaamijka.
Sidoo kale, Ciidamada ayaa helay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado howlgallada habeen iyo maalin oo ay dheer yihiin gaadiid gaashaaman.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa sheegay in xirfadaha iyo aqoonta ay ciidamada ka heleen tababarkan ay si weyn uga qayb qaadan doonaan dhismaha ciidan awood leh oo adkaysi u leh caqabadaha amni, isla markaana door muhiim ah ka qaadan kara sugidda xasilloonida iyo amniga goobaha ay ka howlgalaan.
HBN ONLINE TV

