Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa magaalada Kismaayo kulan kula yeeshay Safiirka Dowladda Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya, Arnaud Suquet, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xaaladda amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan iyo xaaladda guud ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amni ee Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, oo weli ku sugan qaybo ka mid ah gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka.
Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Safiirka Faransiiska ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo taageerada dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida.
Dhinacyadu waxay isla soo qaadeen xaaladda guud ee Soomaaliya, iyadoo la isku waafaqay muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi joogto ah oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya, dowlad-goboleedyada iyo saaxiibada caalamka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah.
Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay horumarinta adeegyada bulshada iyo xaaladda bini’aadantinimo, iyadoo la adkeeyey baahida loo qabo in la kordhiyo taageerada caalamiga ah ee loo fidiyo bulshada ku nool deegaanada ay saameeyeen colaadaha iyo amni-darradu.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay xaaladda amniga Soomaaliya weli tahay arrin mudnaan gaar ah leh, iyadoo ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada ay wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.
Jubaland ayaa ka mid ah meelaha muhiimka u ah dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, maadaama qeybo ka mid ah gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ay muddo dheer ahaayeen goobo ay kooxdaasi ka sameysatay saldhigyo iyo marinno ay ku dhaq-dhaqaaqdo.
Faransiiska ayaa ka mid ah dalalka reer Galbeedka ee xiriirka dhow la leh Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta iyo taageerada hay’adaha dowladda.
HBN ONLINE TV

