Nin lagu helay la shaqeynta Alshabaab oo dalka Kenya lagu xukumay in ka badan 110 sano oo xabsi ah

Maxkamadda ku taalla dalka Kenya ayaa xubin lagu helay kamid ahaanshaha kooxda Alshabaab ku xukuntay wax ka badan 110 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay 7 dambi oo la xiriira waxa loogu yeero argagixisanimo. Ninka lagu magacaabo Ibrahim Xuseen Xasan oo lagu helay inuu xubin ka tirsan Alshabaab iyo dambiyo kale oo la xiriira ururinta xog iyo haysashada agab loo adeegsado falal dambiyeedyada ayaa lagu xukumay 115 sano.

Sida uu dhigayo Sharciga Kenya, waxa ugu dheer ee qofka lagu xukumi karo waa 20 sano, sidaas awgeed Ibraahim oo la qabtay sannadkii 2022 waxaa la sii daynayaa 2042-ka, isaga oo sidaas ku qaadan doonno muddada 20ka sano ah.

Sida uu sheegay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Kenya (ODPP), Garsoore Gideon Kiage ayaa sheegay in xeer-ilaalintu ay si shaki macquul ah la’aan ah u caddeysay dhammaan dambiyada lagu soo oogay Ibrahim. Waxaa dacwadda lagu soo bandhigay markhaati ka ahaa 10 ruux, waxaana kiiska hoggaaminayay xeer-ilaaliyayaal ka tirsan dowladda Kenya.

Ibraahim ayaa la xiray 6-dii Sebtembar 2022 xilli uu ku sugnaa deegaanka Eastleigh Section 3 ee Magaalada Nairobi. Baaritaan lagu sameeyay taleefan Samsung ah oo laga qabtay ayaa lagu helay 3 muuqaal oo ay ku jireen dacaayado xagjirnimo ah sida hadalka loo dhigay, kuwaas oo maxkamaddu sheegtay inay awood u lahaayeen inay dhalinyarada ku dhiirrigeliyaan ama ku jiidi karaan falal argagixiso.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in Ibraahim  inta uu xabsiga ku jiro uu maro barnaamijka ka-fogaanshaha xagjirnimada.

Xukunkan ayaa yimid iyadoo Kenya ay sii waddo tallaabooyinka sharci ee ka dhanka ah dadka lagu eedeeyo inay xiriir la leeyihiin Alshabaab iyo falalka loogu yeero argagixisada.

Waxaa xusid mudan warbaahinta Kenya aanay soo gudbin in ninkan uu lahaa Qareen eedeymaha ka difaaca iyo in si madax banaan uu isagu isaga difaacayey su’aalaha garsoorka, maadama xukunka ku dhacay uu ahaa mid aad u dheer.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed