Iyaga oo ka jawaabaya dib u eegista dastuurka Soomaaliya ee dhawaan, saaxiibada caalamiga ah ee dalka ayaa soo saaray bayaan ay ku boorinayaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso “inay xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan dhisidda is afgarad iyadoo loo marayo hannaan loo dhan yahay.”
Hadalkan oo soo baxay markii uu baarlamaanku ansixiyay sharciga wax ka bedelka dastuurka ayaa muujinaya muhimadda ay leedahay iskaashiga iyo wadajirka si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay u hoggaansanto waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa gobolka, gaar ahaan xuquuqda carruurta.
War-saxaafadeedka ayaa lagu ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya sida ay ugu heelan yihiin ilaalinta Halbeegyada Xuquuqul Insaanka, waxaana rajo laga muujiyey in mustaqbalka la iska kaashado, maadaama Soomaaliya ay sii xoojineyso joogitaankeeda beesha Caalamka.
Si kastaba ha ahaatee, kalsoonidaas, waxaa jiray caqabado. Waxaa soo ifbaxay mucaarado ka imaanaya madaxdii hore iyo maamul goboleedka Puntland, taasoo muujineysa in la isku khilaafay wax ka bedelka dastuurka.
Iyadoo ay jiraan caqabadahaas, saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah waxay marar badan taageereen dadaallada uu dalku ugu jiro dhameystirka dastuurka, iyagoo carabka ku adkeeyay inay lama huraan tahay wada-hadal loo dhan yahay iyo is afgarad laga gaaro dhammaan dhinacyada ay khuseyso.
Baaqa dib u eegista dastuurka loo dhan yahay waxa uu hoosta ka xariiqayaa muhiimada ay leedahay in la xaqiijiyo in la maqlo codad kala duwan laguna matalayo qaabeynta haykalka dowladnimo ee Soomaaliya mustaqbalka.
Waxay ka tarjumaysaa ballanqaad wadajir ah oo lagu kobcinayo xasilloonida, dimuqraadiyadda, iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.
HBN NEWS DESK